Waa maxay freelancing

Waa Maxay Freelancing

Waa maxay freelancing

Freelancers waa dad iskood u shaqeeysta oo madax banaan, caadi ahaan waxay shaqadooda u dhiibaan xirfadlayaal kale kuwaas oo dhameeeya shaqada, freelancers waxaa loo qabaa baahi wayn sababtoo ah waxay ka shaqeeyaan meel kaste oo aduunka kamida,


Maxay tahay sababta qofku u madax banaan yahay ?

freelancer waa hab fiican oo aad kaga shaqeen karto gurigaaga waxaad awood u leedahay inaad maamusho jadwalka shaqadaada, lacag badana aad ka sameeyso,

1. Freelancer wuxuu ogalaanayaa inaad shaqayso markaad rabto, taas oo noqon karta faa'iido wayn dadka noloshoodu mashquul tahay, waxaa kale oo aad sameeyn kartaa sacadaha aad shaqaynayso,

2. freelancer waa hab fiican oo aad lacag badan ku samayn karto, waxaad lacag badan ka qaadi kartaa macaamisha hadii aad tahay khabiir, ama aad leedahay xirfado gaar ah, sidoo kale mashruuc kasta waxaad ku heli kartaa lacag.

3. Waxaad shaqayn kartaa adigoo gurigaaga jooga, sidoo kale waxaad ka shaqayn karta mashaariicda aad rabto,
lacagna waad ka kaydsan kartaa.

Sidee ku heli kartaa shaqo freelanceling ah ?

Helitaanka shaqo freelancer waxay noqo kartaa mid adag hadii aanad garanay, neel aad wax ka bilawdo,
Waa kuwan talooyin kaa caawin kara sidii aad u heli lahayd shaqo freelancing ah,

1. Hubi shaqooyinka online ka ah ee website yada sida, Fiverr  iyo upwork
2. Internet ka ka dhex raadi shaqooyin madax banaan,

3. Samee liis xirfadahaaga, oo bartilmaameed gaar ah u leh shaqada madaxa banaan,

4. Noqo qof u adkaysta maskaxdana u fura,

5. qaado wakhti aad ku barto xirfadaha,
si aad si fiican ugu qeexdo xirfadahaaga macaamisha.

Maxaa layga baahan yahy si aan lacag u helo?

Si aad dakhli fiican uga hesho freelancing ka waxaad u bahan tahy dhawr qodob.

1.inaad taqaano xirfada aad ku shaqaynayso,

2. haku fikirin inaad markiiba lacag hesho, waayo waxa laga yaaba inay wakhti qadato, waxayna ku xidhan tahay shaqada aad qabanyso iyo wakhtiga aad shaqada ku dhamaystirayso,

3. waa in aad leedahy khibrad si aad macaamisha u soo jiidato, sido kale waa in aad ku shaqayso qiime macquul ah,
hadii aad meel sare ka bilawdo qiimaha aad ku shaqaynayso, waxaa laga yaaba inaad waydo macaamiil badan, waayo badanaa dadku waxy raadiyaan qof shaqadoda lacag yar ugu qabanaya,

la soco qaybta labaad....

Post a Comment

0 Comments