Halkan Ka Akhriso Xikmado xul ah oo Qalbiga Taabanaya
sii Akhriso....

1. Qofkii Doonaya Inuu Guulaysto Nolosha Marka Hore Haka Guulaysto Naftiisa, Baqdinta, Caajiska, Iyo Ka Labo Labeeynta Dareenkiisa.....
2. Geesinimada Laguma Gaaro Meelaha Lagu Jimicsado, Laakiin Geesinimadu Waxay Ka Timaada Dareen Nafeed, Waana Doonitaan Riyooyin Iyo Aragti....
3. Maahi Qofka Ugu Maskaxda Badan Aduunka, Laakiin Qofna Uma Saamaxo Inaan Fikirkiisa Ku Socdo...
4. Riyooyinkaaga Waxba Kama Galin Inaad Daalantahy Iyo In Kale...
5. Waxaan Jecelahay Wax Akhriska Maxayeelay Waxaan Haystaa Nolol Kaliya Aduunkan, Taasina Iguma Filna...
6. Hadaad Doonayso Inaad Noqoto Mid Xoogan Baro Sida Kaligaa Loo Dagaalamo...
7. Baqdinta Ma Jirto Meel Ay Joogto Marka Laga Reebo Caqliyadeena....
8. Qofka Doonaya Inuu Guulaysto Ma Dhamaadan Fikradihiisu Qofka Guul Dareystayna Ma Dhamaadan Cudur Daaradiisu....
9. Qofka Aanay Saameyn Hadalada Dadku Waxa Uu Talaabo U Qaaday Dhanka Guusha.
10. Guulaystayaashu Waxay Muujiyaan Guushooda, Waxaanay Qariyaan Dhibka Ay Soo Maraan...
11. Waligaa Haka Taanaasulin Riyooyinkaga Maxayeelay Waxay Qaadan kartaa Wakhti Dheer Markstana Wakhtigu Wuu Soconayaa...
12. Marka Uu Bato Tanaasulkaagu Dadku Waxa Ay Moodaan Wax Kugu Waajib Ah..
13. Qaar Kamida Dadka Way Ku Riyoodaan Guusha Qaar Kalena Salaada Hore Ama Xili Hore Ayay U Toosaan Si Ay U Xaqiijiyaan...
14. Dadku Waa Ay Ku Nacayaan Marka Aad Ka Duwanaato Sidooda, Laakiin Waxay Hoos Ka Doonayaan Inay Yeeshaan Geesinimadaada...
15. Ceeb Maaha Inaad Kufto Ama Dhacdo, Laakiin Waxaa Ceeb Ah Inaad Dhulka Sii Jiifto..
0 Comments