Fursad Ganacsi

Soo dhawaada halkan waxaan idinkula wadaagi doona, fursad ganacsi, oo qof walba samayn karo.

Fursad Ganacsi

Wakhti xaadirkan waxaa jira fursado badan oo ganacsi kuwaas oo ka banaan internetka.

Ganacsiga internet ku manta aad iyo aad ayuu u batay adiguna waad ku biiri kartaa, wax adag maaha inaad ku biirto, Waayo dad badan ayaa sameeyay.

Waxaa jira dad badan oo dhacaya dadka kuwaas oo ku odhanaya hadii aad qof nagu soo darto waxaad helaysaa lacag,
balse waa tuugo kuwaasi, iskana ilaali.

Waa inaad sameeysaa ganacsi, waana Meesha kaliya ee ay dadka horumaray heerka ay taagan yihiin ku gaadheen,
Waxaan kugula talinayaa inaad bilawdo ganacsiga internet ka,

Sideen u bilaaba ganacsiga internet ka.

Markaad rabto inaad bilawdo ganacsiga internet ka, waxaa muhiim ah inaad leedahay website, Intaanad sameeysan ama aanad cid u sameen website dhawr talo iga qaado.

1. markaad sameenyso website waa inaad leedahay qorshe ama uu kuu dejisan yahay, Waa in aad garanaysid website ka waxa aad ku soo gudbinayso qorshihiisuna kuu dejisan yahay, website ku waxa uu ku saab san yahay waa in aad taqaanid.

2. Website kasta wuxuu ka kooban yahay dhawr page oo aas aas ah, oo ay tahay inaad sameyso marka ugu horeysa, maxaa kamida,

* waa in aad u sameeysa page ka ugu horeeya oo ah homepage.

* waa inaad u sameeyso About page, oo ka hadlaya waxa uu ku saabsan yahay website ku ama cida aad u sameeynayso.

* servies waa in aad u sameeyso oo ku saabsan waxa aad ku soo gudbinayso website ka , hadii aad ku iibinayso guryo, hadii aad ku iibinayso gawaadhi,
hadii aad ku iibinayso badeecoyinka kale ee muhiimka ah.

3. Website ka aad sameeynayso waa inuu noqdaa simple, sidoo kale color ka website kuna waa inuu noqdaa labo color , logadiisuna waa in ay noqota mid shabahda color ka website ka.

4. website ku waa inuu leeyahay contact Us, taas oo ku xidhiidh san gmail kaaga,
si ay dadku si fudud kuula soo xidhiidhaan....

Post a Comment

0 Comments