Waa maxay google adsense


Google Adsense Approval



Waa mid kamida Shirkadaha ugu fiican ee xayasiiska bixiya, si ay dadku lacag uga sameeyaan bloogyada,

youtube channelka, websiteyada, facebook,  IWM.
dakhlina uga soo galo, Google Adsense waxaa si wayn looga isticmaala aduunka oo dhan.

Macno ma laha inaad codsato google adsense.
balse waa inaad leedahay blog oo aad haystaa traffic kugu filan si aad u codsato.

Sida loo helo ogolaanshaha google adsense  si deg deg ah!

Maqaalkan waxaan idinkula wadaagi doonaa. sida ugu fudud ee uu google adsense ku soo aqabali karo, halkan waxaa aan kugu tusi doonaa,

10 tallaabo oo ah sidii google adsense kugu soo aqbali lahaa 

1. blogaagu waa inuu leeyahay booqasho ama "traffic" fiican.

2. Blogaagu waa inuu leeyahay About Page.

3. Blogaagu waa inuu leeyahay privacy policy page.

4. waa in blogaagu uu leeyahay disclaimer page.

5. Waa in aad soo dhigto ugu yaraan 20 post blogaaga.

6. waa in aad ka wayntahy 18 jir.

7. waa in blogaagu uu leeyahay nashqad ama "template" quruxbadan.

8. waa in aadan postiyada iyo sawirada qof kale ka soo copy gareen.

9. waa in blogaagu leeyahay 'domain' fiican sida,  .com  oo kale.

10. waa in aanay blogaaga ku jirin website yada kale ee bixiya xayasiiska hadii ay ku jiraana aad ka saarto.

11.Blogaaagu waa in ay dadku ka soo booqdaan google search engines.

Hadii aad dhamaan shuruudahan buuxiso waxaa hubaal ah inuu ku soo aqbalayo google adsense waliba si fudud.