how to make money on fiverr

how to make money on fiverr

how to make money on fiverr

Fiverr waa website faa'iido leh, hadii aad rabto inaad lacag sameyso adigoo gurigaaga jooga, fiverr waa website aad ku bixin karto adeegyo madax banaan, waxaadna ka helaysaa fiverr shaqooyin banaan, oo aad ka shaqaysan kartid.


Waa Maxay fiverr?

fiverr waa goob online ah oo ay freelancers ku lacag ka heli karaan, iyagoo bixinaya adeegyo loo bahan yahay, macaamiishu waxay online ka ka raadiyaan dad freelancer ah si ay ugu shaqeeyaan.

Sidee Buu Fiverr U Shaqeeyaa?

Sida loo sameeyo fiverr waa mid dhib yar,
Marak hore waa in aad sameysataa "Gig" kaas oo ah mesha ay macaamishu ka arki karaan shaqada aad qabanyso iyo qimaha aad ku qabanyso, macaamiishu waxay gigs-ka ka dhex raadiyaan qof la shaqaysta iyaga,


Sidee Loo Bilaaba Fiverr


Waxaa loo bahanyahay si loo bilaabo fiverr
1. Ka samayso akoon fiverr adigoo isticmaalaya 'app ka fiverr ama barta google ee fiverr.com

2. Waxaad u baahan tahay inaad akoonkaaga ka shaqaysiiso oo aad sameeyso profile kaaga oo wata sharaxaad ku saab san adeegyadaada, xirfadahaaga, tariikhda waxbarsho, iyo sawirkaaga.

3. Markaad profile kaaga dhejiso, waa marka aad bilaabi lahayd soo jiidashada macaamiisha adiga oo dhigaya gigaaga,
abuurista dhawr gig, oo isku nooc ah ayaa kaa caawin doona inay macaamiishu si fudud kugu helaan.

4. si aad uga duwanaato dadka kale waa in aad la timaada ciwaan gig oo soo jiidasho leh, taaso sharaxysa adeegyada aad bixiso iyo waxa uu iibsaduhu filanayo,

5. Hadii aanad aqoon sida gig loo qoro waxaad raadin kartaa gig la mida kaga si aad fikrad fiican uga hesho, waxad kaloo ku dari kartaa walxo dheerada sida sawir, video.



Siduu Ku Bixiyaa Lacagta Fiverr?

Fiverr wuxu lacagta ku bixiyaa habab kala duwan waxaana kamida,

Paypal
Fiverr revenue card ( kaadhka lacagt fiverr )
Bank transfer( wareejinta bangiga )
Direct deposit ( Dhigashada tooska ah )

Post a Comment

0 Comments