Si aan u naaxino quruxda nolosha waxaan idinla wadaageynaa xikmado Cajiib ah oo ka kooban noocyo kala geddisan, iyadoo dhammaantood ay ku saabsan yihiin dhinacyada kala duwan ee nolosha.
Xikmadaha xulka ah ee aan maanta soo gudbi doono ayaa ah xikmado Cajiib ah halkan ka akhriso....
Xikmado Cajiib Ah
Ilaahow waxaan ku weydiisanay Naf Xasiloon, Rumeysan La Kulankaaga, Ku Qanacsan Qadarkaaga, Una Hogaansan Cibaadadaada.
Nacayb iyo niyad jab, Cabsi iyo ceeryaamo, Mugdi iyo gubasho ayaa dhexdeyda ku halgamaaya.
Jaceyl khaldan, Kalsooni dhuntay iyo ilaashiga kibirkeyga ayaa qalbigeeyga ku meereysanaya.
Ma yeeshaa, ma diidaa, Nafta ma u hurtaa mise waad ka dhaqaaqdaa ayaa maankeyga ku lagdamaaya.
Ma tustaa dhinacaaga jilicsan, mise waad u deysaa dahaarka adag ee aad ruuxda ku qaf ishay ayaa indhahayga hurdadu uga haaday.
Ma ka daba tagtaa si aad u dareensiiso wixii aad qarisay, mise ha tagee daa, weligeedba aysan dareemin, ayaa maskaxdeydu la wareersan tahay.
Ma waxaad dhimataa ayada oo aysan cidina si dhab ah kuu baran, mise waxa aad noolaataa adiga oo wax walba muujiyay cidina aysan dan ka gelin, ayay ruuxdeydu jawaab u heli la'dahay
"Haka murugoon qof ama shay aad wayday, laga yaaba haddii aad sii haysan lahayd in murugadaadu kasii badnaan lahayd."
Guusha Ma Ahan Riyo Aan La Gaari Karin, Kaliya Waxeey u Baahan Tahay Dulqaad Yar Iyo Inaad Naftaadda Ku Kalsoonato, Allaahna Talo Saarato.
Iska Dhig Inaad Dadka oo Dhan Ku Kalsoon Tahay, Balse Saaxiib Dadkoo Idil Haku Kalsoonaan
Malihi Saaxiib ii Qaas Ah Aniga, Wali Kuma Guulaysan Xiriir Jaceyl Oo Aan Sameeyay,
Isku Dayo Badan Kadib Dhamaantood Waa Ay Bur Bureen.....
Ma Aqaan Sababta, Wajigayga Miyaa Ka Duwan Midka Dadka Caadiga Ah, Mise Aniga Ayaa Waxyaabo Kale Iga Qaldan Yihiin? Ax! Taas Ka Gudub....
Wali Qof Kumaan Balansan Casho, Qado Ama Xitaa Xaflad Dadka Dhan Ka Siman Yihiin Iskaba Dhaafe Xitaa Dalxiis Gaaban Qofna Lama Wadaagin...
Iskuma Dayin Inaan Qof Hadyad Siiyo, Waligayna Maan Arag Qof Haddyad Qaas Ah Isiiya...
0 Comments